Duufaanta Gabrielle iyo taageerada fatahaada Auckland Cyclone Gabrielle and Auckland flooding support

Raadi macluumaad ku saabsan taageerada loo heli karo dadka ay saameysay dhacdooyinka cimilada daran ee hadda.

Ka fiiri aqbaaraha deegaanka Kooxda Maareynta Xaalada degdega ah ee Difaaca Rayidka

Ka hel wararka ugu dambeeyo aqbaarta Qeybta Soo kabsiga Duufaanta

 

Taageerada dhaqaalaha

Dhowr lacagood ayaa lagu dajiyay iyadoo looga jawaabo fatahaadaha iyo Duufaanta Gabrielle si kastaba ahaato kuwa badan ayaa hadda xiran. Waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan qaar ka mid ah lacagaha firfircoon ee hoose.

Macluumaadka wadamada kale, deegaanka, ama lacagaha goboleedka waxaa laga heli karaa websaydyada hay'ada.

Shaqada iyo Daqliga

Shaqada iyo daqliga waxaa laga yaabaa inay awooddo inay gacan ka geysato hoyga, ama qarashaadka degdega iyo aan la filaneyn.

Ogow sida Shaqada iyo Daqliga kuu caawin karaan

Warshadaha Koowaad

Taageerada waxaa loo helayaa beeraleyda, koriyaaasha, milkiilayaasha qoyska balaaran ee Māori iyo bulshada baadiyaha iyadoo loo marayo Wasaarada Warshadaha Koowaad (MPI). Tan ayaa ku jirto maalgelinta lagu taageerayo fayo qabka, caafimaadka iyo badqabka, daryeelka xayawaanka iyo dadaalada soo kabsiga xaalada degdega ah.

Arag taageerada MPI ee soo kabsiga Duufaanta Gabrielle

 

Taageerada ganacsiga

Ganacsiyada ay saameysay waxay heli karaan kaalmada canshuurta oo ay ku jiraan diyaarinada lacag bixin kale iyo ka saarida ciqaabaha iyo danaha.

Wax badan ogow

 

Taageerada hoyga

Adeega Hoyga Ku meelgaarka ah (TAS)

TAS ayaa u suurtogeli karto inay caawiso haddii aadan joogi karin gurigaaga kadib Duufaanta Cyclone iyo fatahaada Auckland. TAS waxaa laga furay gobolada xiggo:

  • Northland
  • Gisborne 
  • Gacanka biyaha Badan 
  • Hawke’s Bay
  • Waikato 
  • Degmada Tararua 

Haddii ay ku saameysay dhacdooyinka cimilada oo aad u baahantahay hoy ku meelgaar ah, waxaad iska diiwaangelin kartaa TAS. Xiriiriyaha hoyga ku meelgaarka ah ayaa kula soo xiriirayo.

Ka ogow wax badan oo ku saabsan TAS

Iska diiwaangeli TAS

 

Taageerada caafimaadka iyo fayo qabka

Waa caadi inaad ula soo xiriirtid caawin – marnaba haka caajisin haddii aad ka walaacsantahay qof kale ama naftaada.

Wixii caawinta walbahaarka, ama fayo qabka maskaxda, ka soo wac ama fariin ku soo qor Need to Talk? 1737 si aad ula hadashid la taliye tababaran oo bilaash ah, 24/7. Turjubaanada waa la heli karaa.

Wixii tallada caafimaadka guud, ka soo wac Healthline 0800 611 116.

Ururka Caafimaadka Maskaxda ayaa sidoo kale aruuriyay macluumaad ku saabsan adeegyada taageeradakala duwan oo caawin karo dadka u baahan.

Raadi adeegyada taageerada caafimaadka maskaxda iyo fayo qabka

 

Bixiyayaasha taageerada bulshada

Bixiyayaasha adeega qowmiyada

Raadi liiska bixiyayaasha adeega qowmiyada ee ka shaqeynayo taageerida bulshooyinka ay saameysay fatahaada Auckland iyo Duufaanta Gabrielle. Waad la soo xiriiri kartaa haddii aad taageero u baahantahay.

Raadi bixiyayaasha adeega qowmiyada ee gobolada ay saameysay

Xiriiriyayaasha bulshada

Xiriiriyayaasha bulshada waxay ka shaqeeyaan hay'adaha aan dowliga aheyn oo waa adeeg la aaminsanyahay ee ka caawiyo dadka inay fahmaan noocyada badan ee dooqyada taageerada laga heli karo dhinaca hay'adaha Dowliga ah ama bixiyayaasha kale ee adeega. Xiriiriyayaasha Bulshada ayaa ka caawin kara dadka inay ku xiraan taageerooyinka iyo adeegyada ay u baahanyihiin.

Ka raadi Xiriiriyayaasha Bulshada gobolkaaga

 

Taageerada luuqada

Helitaanka turjubaan

Haddii aad soo waceysid hay'ada dowladda oo aad u baahantahay caawin luuqad, weydiiso turjubaan. Waa masuuliyada hay'ada dowladda in la hubiyo in adeegyadooda la heli karo. Tan waxaa ku jiro in la siiyo turjubaano xirfadle ah dadweynaha oo si bilaash ah.

Wax badan ogow

 

Last modified: