Taageerada luuqada markii aad soo waceysid adeegyada dowladda Language support when calling government services

Haddii aad soo waceysid hay'ada dowladda oo aad u baahantahay caawin luuqad, weydiiso turjubaan. Ka ogow wax badan oo ku saabsan adeegaan oo dajiso buug-yaraha si aad ula wadaagtid bulshadaada.
MEC Interpreting eLearning Somali

Helitaanka adeegyada turjumaanka marka la wacayo wakaaladaha dowladda Accessing interpreting services when calling government agencies

Haddii aad rabto inaad wacdo hay'ad dowladeed oo ku taal New Zealand, laakiin aad u baahan tahay taageerada luqadda, waxaad ku codsan kartaa turjumaan bilaash ah. Xaaladdan, waxaanu ku soo qaadanaynaa tusaale taleefoon oo lagu wacayo Healthline si aan kuu tuso sida hawshu u shaqeyso.

Haddii aad soo waceysid hay'ada dowladda oo aad u baahantahay caawin luuqad, weydiiso turjubaan.

Waa masuuliyada hay'ada dowladda in la hubiyo in adeegyadooda la heli karo. Tan waxaa ku jiro bixinta turjumaano xirfadle ah dadweynaha oo si bilaash ah.

Sida loo helo turjumaan

  1. Soo wac hay'ada dowlada.
  2. Weydiiso turjumaan oo u sheeg qofka taleefon luuqada aad ku hadashid. Waxaad u baahaneysaa inaad ku weydiisato af Ingiriis, adiga oo ficil ahaan u dhahayo erayada ‘interpreter’ iyo magaca Ingiriiska ee luuqadaada ka hor intaadan soo wicin.
  3. Waxaa lagu weydiinayaa inaad sugtid. Taleefonka ku jir - ha isa saarin.
  4. Haddii la heli karo, turjumaan xirfadle ah ayaa ugu soo biiriyo inuu ku caawiyo. Hay'adaha dowladda waxay u baahan karaan inay diyaarsadaan turjumaano xili hore oo luuqadaha qaar.

Haddii aad u baahato turjumaan waji ka waji ah ama kulanka shirka muuqaalka, i-meel ugu soo dir hay'ada xili hore si loo hubiyo in turjumaan la diyaariyo.

Hay'ado badan oo dowladda ah iyo golayaasha ayaa kugu caawin karo taageerada turjumaanka. Ka hel liiska buuxo: www.mbie.govt.nz/language-assistance-services/participating-agencies

Haddii aad qabtid su'aalo ama walaacyo ku saabsan helitaanka adeegyada turjumaanka dowladda, i-meel noogu soo dir info@ethniccommunities.govt.nz

Dajiso macluumaadkan

Taageerada luuqada markii aad soo waceysid adeegyada dowladda | Language support when calling government services

Last modified: